TIIRARKA DHAQAALAHA

Silloodhiso loo kobciyo loo horu mariyo isla markaana loo ilaaliyo dhaqaalaha waxaa waxaa muhiim ah in loo dhiso shan tiir 

tiirka 1aad waa Aqoota oo aqoon la aan waxba lamadhisi karo waana tiirka ugu muhiimsan 

sidookale tiirka 2aad asagane waa shaqada oo dhaqaalaha meesha uuka dhismo waa shaqada meesha uuka dumane waa shaqo laanta 

sidookale tiirka 3aad asagane  waa waxsoosaarka sabatoo ah hadii aan waxsoosaar lahelin lamagaari doono waxa looyaqaano isku filnaasho 

sidookale tiirka 4aad asagane  waa ilo dhaqaale silloo kobciyo dhaqaalaha dalka waa in lasameeyaa ilo dhaqaale sababtoo ah dhisitaanka ilo dhaqaale waxa eynoo horseedi kartaa hiigsiga ah inlagaaro barwaaqa sooran 

sidookale tiirka ugu dambeeya ee 5aad asagana waa kaabayaasha dhaqaalaha waaqodobka kaliya eesuura galinkara dhisitaanka tiirarka kale ee dhaqaalaha waa meesha kaliya ee dhisikarta dhaqaalaha maankane kuhaay kaabayaal dhaqaale la,aantood in aan waxba la ladhisikarin

Hadaba barnaamijkeenna  waxa aan ku sharixi doonnaa tiirarka lagu dhiso dhaqaalaha iyo midkasta muhiimadda uuleeyahay  iyo tiirkasta faaiidada uu gaarka layahay iyo annaga kasoomaali ahaan tiirarka dhaqaale ee hadda noodhisan iyo  qaabka aan uga faaideysanno iyo tiirarka naga maqan iyo qaabka loo dhisi karo iyo kuwa hadda noodhisan qaabka loo horu marin karo intaba

Ugu horeyn inta aan gudaha u galin sharaxaadda tiirarka dhaqaalaha marka hore aan qeexno waamaxay dhaqaale?

Dhaqaale waa waxa lagu noolaado ama lagu maareeyo nolosha waxa uuna ukala baxaa sadax qeybood

1.uguhoreyn raashinka xoolaha iyo khayraadka badda iyo barriga gaar ahaan kaluunka  caanaha hilibka xoolaha iyo dalagga beeraha  waa dhaqaalaha lagu noolaado.

2.Sidookale dhulbeereedka qalabka loo isticmaalo shaqooyinka iyo aqoonta waa dhaqaalle soo saara dhaqaalaha lagu noolaado

3.Ugudambeyn lacagaha dahabka macdinta iyo waxa lamid ka ah ayagane waa dhaqaalaha lagu  maareeyo nolosha

Sidoo kale inta aan u gudbin sharaxaada tiirarka dhaqaalaha marka hore aan qeexno muxuu ubaahanyahay dhaqaalaha?

Dhaqaalaha waxa uu ubaahanyahay 

1.inladhiso 2.inla horumariyo ama lasocodsiiyo 3.inla ilaaliyo iyo 4.inla kordhiyo ama lakobciyo

Hadaba tiirka ugu horeeya ee lagu dhiso dhaqaalaha waa tiirka aqoonta sidaasi darteed qormadeenna maan ta waxa aan ku sharixi doonna aqoonta iyo qaababka ama wajiyada looga faa ideysto iyo qaabka ey dhaqaalaha wax uga tarto iyo isbarbardhigga annaga iyo wadamada kale sida aan uga kala faaidesanno sidoo kale waxa aan sharixi doonnaa aqoonta sababta ey u noqotay tiirka 1aad ee lagu dhiso dhaqaalaha 

ugu horeyn  aqoonta waxaa looga faa ideystaa lixqaab si loodhiso looilaaliyo loohorumariyo isla markaana lookobciyo dhaqalaha waxa eyna kalayihiin

1.waxbarashada gudaha 

2.shaqooyinka gudaha 

3.ilaha waxbarashada

4.ilaha shaqooyinka gudaha 

5.ilaha  shaqooyinka dibadda

6.cilmiga wacyi galinta

Hadaba aqoonta waxa ey kulansatay dhisidda iyo horumarinta dhaqaalaha ilaalinta iyo kobcinta dhaqaalaha Waana tiirka 1aad ee dhaqaalaha. balse annaga kasoomaali ahaan makawada  faaideysanay aqoonta oo ah tiirka1aad ee dhaqaalaha.

Hadaba ugu horeyn lixdaan qodob ayaan sharixi doonnaa qodobkasta iyo waxa uu dhaqaalaha kataro kadibna waxa aan isla eegi doonna qodobada aan heysanno iyo kuwa nagadhiman sidookale waxa aan kusoo gunaanadi doonna talooyin kusaabsan qaabka loo dhameystiri karo lixda qaab ee looga faa’ideysto aqoonta si loo dhiso loo horumariyo loo ilaaliyo islamarkaana loo kobciyo dhaqaalaha 

Uguhoreyn labada qodob ee ugu horeysa aqoonta sida1.waxbarashada gudaha iyo 2.shaqooyinka gudaha waxa ey socodsiiyaan dhaqaalaha 

Sidookale qodobka 3aad qodobka 4aad iyo qodobka 5aad ayagane waxa ey kobciyaan dhaqaalaha

Ugudambeyn Qodobka 6aad asagane waxa uu ilaaliyaa dhaqaalaha 

Hadaba inta aan ugudbin sharaxaadda lixda qodob  balmarka hore aan isla eegno qodobadaan lixda ah ee looga faa ideysto aqoonta kuwa noodhisan iyo kuwa naga maqan intaba.
Ugu horeyn lixdaan qodob waxaa noogadhisan oo kaliya labada qodob ee ugu horeysa sida 1.qodobka waxbarashada gudaha iyo 2.qodobka shaqooyinkagudaha 

 

 

Sidaasi darteed annaga kasoomaali ahaan Aqoonta waxa aan u isticmaalnaa  ookaliya socodsiinta ama horumarinta dhaqaalaha maadaama aan heysanno ookaliya labada tiir ee ugu horeysa aqoonta

 

Balse wadamada horumarsan waxa ey u isticmaalaan aqoontooda horumarinta socodsiinta kobcinta iyo ilaalinta  dhaqaalahooda maadaama ey heystaan dhamaan tiirarka eyku dhisantahay aqoonta

Hadaba kusoodhawaada sharaxaadda tiirarka aqoonta ayagoo faahfaahsan

Qodobka 1aad waa waxbarashada gudaha maadaama Ardayda ey bixiyaan mushaaraadka macalimiinta lacagaha basraaca lacagaha agabka waxbarashada sida buugaagta unifoomka waxa ey socodsiiyaan ama horumariyaan dhaqaalaha maadaama dhaqaalaha uu ukala gudbaayo bulshada qaybeheeda kala duwan ayadoo laga faaideysanaayo Ardayda waxbaraneysa,

Sidaasi darteed annaga kasoomaali ahaan qodobkaas siwanaagsan ayaan uga faaideysanaa dadbadan ayaana ku nool waxbarista Ardayda sida macalimiinta dugsiyada kuwa iskuulada iyo kuwa jaamacadaha,

Sidookale waxaa ka kafaaideysta Ardayda waxbarata gaadiidka iyo ganacsatada iibisa agabka waxbarashada sida buugaagta unifoomka iyo dhamaan qalabka waxbarashada

Sidookale qodobka  2aad asagane waalamid oo waxbarashada waa furaha shaqada sababtoo ah dhaqaalaha waxaa socodsiiya shaqooyinka shaqooyinkane waxaa suura galiya waxbarashada
Hadaba qofka marka uu waxbarto ayuu awoodikaraa in uu shaqeeyo marka uu shaqeeyana waxaa soogali doona dhaqaalle islamarkaana dhaqaalaha waxa uu u isticmaali doonna in uu kumaareeyo nolol maalmeed kiisa sida basraaca dukaameysiga biilasha korontada biyaha iyo isgaarsiinta
Hadaba maadaama qofka waxbartay uushaqeynaayo islamarkaana uu dhaqaale soogalaayo hadane uudhaqaalihi dib u isticmaalaayo waxaa socanaaya dhaqaalihi asagoo bulshada qeybaheeda kaladuwan kudhaxwareegaayo, sidaasi darteed qodobkaan asagane siwanaagsan ayaa looga faaideystaa maadaama dadka waxsoobartay ey bulshada ku anfacaayaan aqoontooda iyo dhaqaalahooda intaba hadaba faaiidada laga helo qofka aqoonyahanka ah waa labalaab Tusaale dhakhtarka waxa uu kaa daweynayaa xanuunka kadibna waxa uukaa qaadi doonaa lacag isla markaana waxa uu kaaga iibsan doonaa dhar cuno iyo waxa aad iibiso imisa dhaqaatiir ah ayaad wax ka iibisay taas macnaheedu waa waalagu daaweeyay lacagtine dib ayaa laguugusoo celiyay
Ugudambeyn qodobkaan iyo qodobki hore waa labada qodob ookaliya ee aan sida wacan uga ka faa ideysannay

Balse hilaawin labadaan qodob dhaqaalaha waxba kuma soo kordhiyaan mana ilaaliyaan dhaqaalaha ookaliya waxa ey socodsiiyaan dhaqaalaha waxa aan rajaynayaa in aad fahantay.
Imikane waxa aan sharixi doonnaa  sadaxda qodob ee kobciya dhaqaalaha
hadaba Qodobka ugu horeeya ee kobciya ama kordhiya dhaqaalaha ayadoo laga faa ideysanaayo aqoonta oo ah tiirka 1aad ee dhaqaalaha gaar ahaan qodobkiisa 3aad waa ilaha waxbarashada

Tusaale wadamada horu marsan macaahidooda iyo jaamacadahooda waxaa waxka barta ajaanib fara badan taasoo noqoneysa il dhaqaale oo looga faa ideysanaayo aqoonta maadaama qofka ajnabiga ah dhaqaalaha uu ku bixinaayo waxbarashada kirada cunada basraaca intaba uu kala imaanaayo wadankiisa Sidaasi darteed annaga kasoomaali ahaan qodobkaas maheysanno oo majiro qof ajnabi ah oo wadanka waxkabarta iskabadhaafe annaga ayaaba ka kamid ah bulshooyinka ugu badan ee dibadaha waxkusoobart taasoo aan dhaqaale  badan ku bixinno 

Sodookale qodobka 4aad waa ilaha shaqooyinka gudaha qodobkaan waxa uu wadamada horumarsan soogaliyaa dhaqaale dibadda ka imaada ayadoo laga faaideysanaayo aqoonta

Tusaale wadamada hurumarsan waxaa caafimaad usoo aada ajaanib farabadan sisaadidarteed bukaanka ajnabiga ah dhaqaalaha uuku qarashgareeyo basraaca kirada iyo caafimaadka intaba waxa ey il dhaqaale utahay wadanka uu caafimaadka ujoogo 

Hadaba annaga kasoomaali ahaan caafimaadkeenna waxa uu ka uukashaqeeyaa gudaha ookaliya oo wax dhaqaale ah dibadda nagamasoo galiyo iskabadaaye annaga ayaaba kamid ah bulshooyinka dhaqaalaha badan kubixiya caafimaadka dibadda xataa heerka aanka gaarnay aqoonta caafimaadka iskaba daay in aan dibadda dhaqaale uga helnee xataa ma awoodno in aan gaarsiino isku filnaasho caafimaad siloo baajiyo dhaqaalaha maalin kasta nooga baxa caafimaadka loo aado dibadaha 

Sidookale qodobka 5aad waa ilaha shaqooyinka dibadda

Sidookale wadamada horumarsan aqoontooda waxa ey ugasooshaqeeyaan dibadaha sida dhaqtar nimada injineerinka IWM si ey u kobciyaan dhaqaalaha wadankooda Tusaale wadamada Khaliif khaliijka intabadan waxaa ka shaqeeya aqoonyahano ajaanib ah balse annaga kasoomaali ahaan aqoonteeda waa lookal oo gudaha wadanka maahane dibadda waxba kana tarto oo annaga heerka aqoonteena ayaan wali gaarin heer caalami si aan dibadaha ugasoo shaqeysano si aan lacago ugu soo dirno dalka si uu dhaqaalaha ukobco 

Iskabadaaye annaga ayaaba keensanno macalimiin injineero iyo dhaqaatiir ajaanib ah si dhaqaalaheena ey mushaar ahaan ugu qaataan islamarkaana ey wadamadooda ugu diraan Sidaasi darteed aqoonta wadankeenna iskabadaay in ey dhaqaalle wadankale nasoogalisee annaga ayaaba wali gaari isku filnaasho aqooneed si aan uga maaranno ajaanibta aan dhaqaalaha kubixinno

Sidookale qodobka ugu dambeeya oo ah qodobka 6aad waa cilmiga wacyi galinta asagane barnaamijka dame ayaan ku sharixi doonna haduu eebe idmo

Scroll to Top